Ban Kiin Moon oo hadda Kulan la qaadanaya Madax katirsan D.F

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobeey Ban Kiin Moon ayaa waxay maanta duhurkii soo gaareen Magaalada Muqdisho isagoo wafdigaasi uu ku wehliyo Madaxweynaha Bankiga Adduunka Jim Yong Kim.

Wafdiga Ban Kiin Moon waxa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xubno katirsan Labada Gole ee Dawlada Soomaaliya.

ban in mogadishu

Waxa hadda uu kulan ka socdaa Xarunta Xalane oo ay AMISOM deggan yihiin waxaana kulankaasi usocdaa Madaxweyne Xasan Shiikh,mas’uuliyiin kale oo dawlada katirsan iyo Wafdiga uu hogaaminayey Ban Kiin Moon ee maanta soo gaaray Muqdisho.

Wariye kusugan Xarunta Xalane ee Muqdisho ayaa usheegay Midnimo.com inaysan ogaan karin waxa laga hadlayo laakiin ay kulamadaasi yihiin kuwo hadda socda dibna saxaafada ka ogaan doonto waxa laga hadlayo ayna banaanka hadda joogaan wariyeyaasha.

NAGA FILO FAAH FAAHINO INTAAN KABADAN DIB KALA SOCDA INSHA ALLAH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here