Ban Ki-moon oo ku dhiiri geliyey madaxda Africa in ay ixtiraamaan xuquuqda raga laga roonayaasha

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay United Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay madaxda dalalka Midowga Africa ee uu shirka uga socdo magaalada Addis Ababa in ay xaq dhowraan raga isu galmooda ee loo yaqaano Lagaroonayaasha.

Midab kala sooca ku saleysan raga isu galmooda iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan bulshada Africa iyo dowladaha ayuu ku sheegay kuwo aanan loo baahneyn, kadib qudbad uu ka jeediyey furitaanka shir madaxeedka Africa oo maanta ka furmay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Isu galmoodka raga ayaa sharci darro ka ah inta badan dalalka Africa, waxaana aad usii kordhaya dadka dhaleeceeya arrimahaasi.

Mr Ban ayaa sidoo kale ka hadlay kacdoonka guga carabta isaga oo ku dhiiri geliyey hogaamiyaasha carbeed in ay dhageystaan rabitaanka dadkooda.

Shirka madaxweynayaasha Africa oo socon doona laba maalin ayaa waxa lagu dooran doonaa gudoomiyaha cusub ee gudiga Midowga Africa, iyadoo ajandayaasha sidoo kale ay qeyb ka yihiin arrimaha Sudan iyo Somalia, iyo xiriirka ganacsiga dalalka Africa in la xoojiyo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.