Ban Ki Moon oo Soo Dhaweeyay Dhaarinta Barlamanka Cusub

Xogayaha guud ee qaramada midooway Mr Ban Ki Mon ayaa soo dhaweeyay arinta dhaarista xubnaha cusub ee baarlamaanka isagoo sheegay in soomaalida horo u socod ey sameeyeen.

Ban Ki Mon Xogayaha guud ee qaramada midoway oo soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaanada cusub ee soomaaliya isago ku tilmaamay tilaabo dican.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa Warmurtiyeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Ban Ki Moon uu soo dhaweynayo Dhaarintii shalay ee Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya, taasi oo uu ku tilmamaay guul taariikhi ah oo uu qaranka Soomaaliyeed kaga talaabsanayo dhinaca ammaanka ah.

“Aad iyo aad ayaan ugu hanbalyeenayaa umada soomaaliyeed waxana u rajeynaa guul iyo in ey dalkooda dhistaan iskuna raacaan madaxweynaha ey dooran doonaan”

Sikastaba Ban Ki Moon ayaa sheegay in Soomaaliya sanado badan oo ku jirtay dhibaatooin iyo qas badan haatan ay galli doonto waji cusub, sida laga soo xigtay Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaailya UNPOS.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here