Bambooyin xalay lagu weeraray degmada Mandheera ee dalka Kenya

Laba bam gacmeed ayaa xalay lagu weeraray goob lagu caweeyo oo ku taala degmada Wajeer gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

Ugu yaraan 7 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen weerarkaasi lagu qaaday magaalada udhw xadka Soomaaliya xalay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka booliska.

Taliyaha cidanka booliska gobolka waqooyi bari Leo Nyongesa ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Rueters in kalaabka la weeraray oo la yiraahdo Ngamia lagu tuuray laba bam gacmeed hase yeeshee aysan jirin wax dhimasha ah oo soo gaaray dadki ku sugnaa xaruntaasi lagu caweeyo.

Gudoomiyaha degmada Wajeer Kennedy Nyaiyo ayaa sheegay in dhaawacyada ay gaarayaan 15 ruux oo ay ku jiraan sarkaal ka tirsan milatariga iyo askari ka tirsan ciidamada booliska.

Warbaahinta Kenyana waxay sheegtay in ciidanka booliska ay u qabteen weerarkaasi laba nin oo Kenyan ah kuwaasi oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin Al Shabab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.