Bambooyin lagu weeraray Isgoyska Bakaaraha ee Muqdisho

Hal ruux ayaa ku dhintay afar kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki bambo gacmeedyo laba ahaa lagu weeraray meel ay dadku ku badnaayeen oo ku taala Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Bambooyinka oo aanan la ogeyn cida tuurtay iyo sida ay ku dhaceen ayaa ku dhacay meel ay aad ugu dhawaayeen ciidamada booliska ee fariisinka ku leh goobta, waxaana dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay dhamaantood lagu sheegay rayid.

Dad goobta tagay weerarka kadib ayaa sheegay in qofka dhintay uu ahaa nin Injineer xaga dhismaha ah kaasi oo meydkiisa ay marki danbe qaateen eheladiisa.

Ciidamada amaanka oo goobta gaaray wax yar kadib ayaa goobta xiray iyaga oo baaritaano ay sameeyeena ku guul dareystay in ay qabtaan dadki ka danbeeyey weerarka bambaano.

Waa mid ka mid ahaa weeraradi ugu qasaaraha badnaa ee sanadkaan ka dhaca Isgoyska Bakaaraha oo ay maamulaan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.