Bambooyin laga helay xaafadda Islii

Bambooyin laga helay xaafadda Islii
Bambooyin laga helay xaafadda Islii

Boliiska Kenya ayaa sheegay inay u suuragashay inay kala furaan bambooyin laga helay waddo ku taalla xaafadda Isli.

Warkan ayaa imaanayo iyadoo ugu yaraan 600 oo ruux laga xirxiray kaddib qarax ka dhacay xaafadaas maalintii Isninta.

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhaawacmay tiro ka badan 20 kalena way ku dhaawacmeen qaraxaas.
Howlgalka Islii

Boliiska ayaa qaraxa kaddib billaabay howlgal ay ku sheegeen inay ku qabanayaan dadka ka dambeeyay weerarkaas.

Balse dadka xaafadda ayaa sheegay in boliisku ay dadka ka qaadanayaan laaluush.

Boliiska ayaa goor sii horreysay sheegay in bambooyin laga helay xaafadda Islii ay sababeen in la xiray waddada Juja, oo ka mid ah waddooyinka ugu muhimsan xaafadaas.

Kenya waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weerarro is daba joog ah tan iyo dabayaaqadii sanakii 2011-ka, xilligaas oo ay ciidammada Kenya gudaha u galeen Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here