Balotelli : waligey wan la joogayaa Milan

Xidigga reer Talyaani ee Mario Balotelli ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay la joogi taanka kooxda Talyaaniga ee AC Milan.

22-jirkan ayaa dhaliyay goolkiisii shannaad tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda bishii January.

Ciyaaryahanka oo ka yimid kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska ku yimid garoonka San Siro 24-Milyan oo Yuurow.

Isagoo la hadlaayay Chenalka Milan, kaddib markii ay guul ka soo gaareen kooxda Genoa, ayuu Balotelli sheegay in qaabka uu kula billaanay kooxda ay tahay mid wanagsan.

“Waxaan rajeenayaa in kooxda aan la joogo muddo badan waayo waa koox aan aad u jeclahay” ayuu sheegay ciyaaryahanka reer Talyaani.

Mar uu ka hadlaayay macalinkiisii hore ee Roberto Mancini wuxuu yiri

“Mar kasta nafsadeeda waxaan weydiiyaa markii aan arko dhaqankii io (Roberto Mancini) in ay ahayd in mar hore isaga tago kooxda.

“Qaladaas waa ay dhacaan laakin micnaheeda ma ahan in lagugu soo qoro wargeysyada ama meelaha bulshada ay ku kulmaan.”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here