Balotelli: Waan dili doonaa hadii wadada dhexdeeda uu qof ku caayo jinsigeyga

Weeraryahanka kooxda Manchester City Mario Balotelli ayaa hanjabaad culus u diray shacabka dalalka marti gelin doona koobka Qaramada Euro 2012 ee Ukraine iyo Poland oo looga baqayo in ay ka dhacaan falal la xiriira cunsuriyada.

Mario Baloltelli oo ah weeraryahan madow oo u dhashay dalka Talyaaniga balse asal ahaan kasoo jeeda ayaa ka mid ah laacibiinta Talyaaniga uga qeybgaleyso koobka, waxana uu ka shan qariyey inuu dili doono qofki wadada dhexdeeda ku caawa midabkiisa amaba moos kusoo tuura.

” Waan dili doono qof hadii ay igu soo tuuraan moos wadada dhexdeeda,” ayuu yiri Super Mario.

Wiilkaan 21 jirka ah ee u dhashay dalka Talyaaniga ayaa usoo joogay dhacdooyin isir naceyb ah oo ay taageerayaasha qaar ku sameeyeen, gaar ahaan mar uu joogay baar ku yaala magaalada Roma markaasi oo uu sheegay inuu ku sigtay inuu laad iyo feer ku qaad qaado dhalinyaro aflagaadeysay hadii aysan aheyn booliska oo soo fara geliyey.

Warkeysi uu siiyey majalada France Football ayu ku sheegay inuu dhaar ku marayo inuu garaaci doono hada kadib qofki ku caaya midabkiisa madow.

“Waan bur buri doonaa, hadii qof igu soo tuuro moos wadada dhexdeeda waxaan aadi doonaa xabsiga oo waa lay xeri doonaa sababtoo ah waanba dilayaa dadkaasi,” ayuu yiri Mario.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.