Beri oo Isniin ah waxa lagu dhawaaqi doonaa xiddigga ugu wanaagsan adduunka sannadkii hore 2012-ka.
Waxa iskugu soo haray abaalmarinta Fifa Ballon d’Or Regarded as the most prestigious individual award in world football, the Fifa Ballon d’Or Andres Iniesta, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaas beeri iska xaadirin doona Zurich.
Haddaba kulamada ciyaareeb seddaxda iyo goolasha ka dhaliyeen horiyaalka iyo koobka Champions League in 2012 |
|||
Messi | Ronaldo | Iniesta | |
Games played | 50 | 51 | 39 |
Total minutes | 4,380 | 4,541 | 2,835 |
Goals | 72 | 53 | 6 |
Total shots | 205 | 288 | 48 |
On target | 139 | 149 | 23 |
Shot conv. rate | 35.1% | 18.4% | 12.5% |
Assists | 17 | 11 | 16 |
Passes | 3,178 | 1,848 | 2,667 |
Passes per game | 63.6 | 36.2 | 68.4 |
Seddaxda ciyaartoy maxay taarikh ay lee yihiin
Andres Iniesta – waxa uu u ciyaaraa Barcelona iyo xulka Spain
Waa 28-jir qadka dhexe ka ciyaara, wuxuu ka mid ah xiddiggaha ku soo barbaaraha xarunta tababarka kooxda Barcelona.
Waxa uu ka mid ahaa xiddiggaha ku guuleestay koobka adduunka, koobka European Championship iyo koobka kooxaha Yurub ee Champions League.
Waxa uu ku dhawaaday in uu ku guuleesto abaalamarintan sannadkii 2010 laakin waxa ka qaaday xiddigga ay isku kooxda yihiin ee Lionel Messi.
Waxa uu door ka qaatay in xulka Spain uu ku guuleesto sannadkii 2012-kii koobka Yurub.
Iniesta waxa uu ku guuleestay abaalamarinta la siiyay seddax ciyaartooy oo ka qaybgalay tartankii ka dhacay waddamada Poland iyo Ukraine, waxa loo magacaabay ciyaaryahanka tartankaas ee UEFA .
Waxa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa sannadkii 2011-12 ee koobka Champions markii ay semi-final-ka isku yimaadeen kooxda Chelsea.
Tababaraha kooxda qaranka Spain Vicente del Bosque: ayaa yiri “Wuxuu u egyahay ciyaaryahanka Roger Federer ee ciyaara kubadda Tennis”
Lionel Messi – Waxa uu u ciyaara kooxda Barcelona iyo xulka Argentina
Waa 25-jir waa mid ka mid xiddigga ugu wanaagsan adduunka.
Messi horrey ayuu ugu guuleestay abaalmarintaBallon d’Or seddax jeer laga bilaabo- 2009, 2010 iyo 2011 – haddana isaga ayaa looga shakisan yahay in uu ku guuleesto markii afaraad, waxana uu dhigi doonaa rokoor.
Weerar yahanka reer Argentine waxa ay isku qaab egyihiin mucjisadii adduunka Diego Maradona oo rikoor caalami ah dhigay sannadkii 1980s.
Laakin dadka wax saadaliya waxa ay lee yihiin Messi aad uga duwan yahay Maradoona.
Cristiano Ronaldo –waxa uu u ciyaara kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal
Waa 27-jir, laakin weli da’diisa Cristiano Ronaldo ma ahan mid cad oo shaki ayaa ku jira sida ay lee yihiin saraakiisha ciyaaraha waddanka Portuguese.
Xilli ciyaareedkii hore, waxa uu ka caawiyay Real Madrid in ay ku guuleesato horiyaalkii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 2008 isagoona markaas goolasha ugu badan dhaliyay, laakin waxa laga qaaday Ballon d’Or rival oo Messi ku guuleestay.
Ronaldo wuxuu dhaliyay 46 gool inta uu la joogay kooxda Los Blancos – waxa uu noqday xiddigga kaliye ee horiyaalka La Liga dhaliya 40 gool labo xilli ciyaareed oo isku xigga.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com