Ballanqaad loo sameeyay qofkii soo sheega Shabaab

6261Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida Qaranka Jeneral Bashiir Maxmed Salad (Bashiir Goobe) ayaa ku celiyey  hadal ahaa in la abaal marin lasiin doono cid kasta oo soo gudbisa xog ku saabsan dad wax u dhibaya amniga magalada Muqdisho iyadoo abaal marintaasna uu sheegay in ay noqon doonto mid sir ah oo aan la shaacin doonin qofka xogta keenay.

Sareeye Guuto Bashiir Goobe ayaa sidoo kale tilamamay in taliska Hay’adda Sirdoonka ay ku howlan yihiin sameynta Nambero ay dadka kusoo gudbiyaan xogaha ay hayaan  waxa uuna intaa ku darayaa in qofka magaciisa iyo meesha u joogo aan la shaacin doonin.

Madaxda dowlada iyo talisyada ciidamada ayaa horey sidan oo kale u ballan qaaday in la abaal marin doono cid kasta oo soo gudbisa falalka amniga wax u dhibaya dadka ku howlan.

Waxaa horey u jirtay in taliska booliska ay u sameysteen Number laga soo Waco,Nabada Sugidana hadda ayey sheegeen in ay sameysan donaan Number xogaha loogu soo gudbiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here