Bale”Cristiano waa qof Kheyru caadi ah, wuxuu dhaliyaa toddobaad kasta goolasha hat-tricks,”

Bale iyo Ronaldo oo isku faraxsan
Bale iyo Ronaldo oo isku faraxsan

Xidigga kooxda Real Madrid,  Gareth Bale  ayaa cod dheer ah ku sheegay in cayaaryahanka ay kawada tirsan yihiin kooxda Real Cristiano Ronaldo, uu yahay xidig muhiim wuxuuna ku tilmaamay weeraryahan dhinac kasta ka dhammeestiran.

Ronaldo ayaa xilli cayaareedkan noday muhiim, wuxuuna dhaliyay goolasha seddahas gool ee hat-trick kulankii kooxda Real Sociedad ee toddobaadkan horiyaalka Spain.

Guud ahaan 24-gool ayuu ka dhaliyay 17-kulan oo u cayaaray kooxda xagaaggan, Bale ayaa qiray 28-jirkan in yahay xidig mucjiso ah.

“Cristiano waa qof Kheyru caadi ah, wuxuu dhaliyaa toddobaad kasta goolasha hat-tricks,”ayuu u sheegay Real Madrid TV. sidoo kale wuxuu amaanay cayaartiisa.

Bale ayaa la qabsaday dhawaanahan kooxda Madrid maadama uu ugu fadhiyo lacagtii ugu badneed ee abid laga siiyo cayaaryahan oo ah €100 million.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here