Bale, V.persie iyo Suarez oo u tartamaya xidiga ugu wanaagsan horyaalka England

FA dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa in isbuuca soo aadan ku dhawaaqaan xidiga ugu wanagsan horyaalka England sanadkii lasoo dhaafay 2012-2013.

FA, ayaa ilaa iyo hada soo bandhigay liis ay ku qoranyihiin xidigihii ugu wanaagsanaa xili ciyaareedkaan, waxaana haatan looga fadhiyaa in Isbuuca soo socda ay mid kamid ah laacibiintaan u doortaan xidiga sanadka.

Liiska ay FA soo bandhigeen waxaa ku jira labada xidig ee Manchester United, Carrick iyo V.persie, kuwaasoo ciyaaro wanaagsan sanadkaan soo bandhigay, sidoo kale waxaa ku jira labada xidig gaagaaban ee Chelsea, Juan Mata iyo Edin Hazard.

Sidoo kale liiska lasoo bandhigay ilaa iyo hada waxaa kujira xidiga ay ku duusho naadiga Tottenham Gareth Bale, kaasoo xili ciyaareedkaan soo bandhigay ciyaaro aad iyo aad loo jeclesytay, sidoo kale waxa uu dhaliyay 17 gool kuwaasoo naadigiisa ka caawiyay ineey soo galaan 4ta naadi ee ugu horeysa horyaalka Ingiriiska.

Sidoo kale liiskan waxaa kujira, xidiga naadiga Liverpool Lusi Suarez, kaasoo hada 22 gool ku hogaaminaya gooldhalinta Ingiriiska, sidoo kale waxa uu naadigiisa ka caawiyay ineey soo tiigsadaan 10 naadi ee ugu horeysa horyaalka Ingiriiska.

Mata iyo Hazard, in kastoo lagu soo daray liiska xidiga sanadkaan u tartamaya xidiga sanadka, laakiin waxa ay naadigooda The Blues ka caawiyeen ineey soo tiigsato kaalinta 3aad eek ala horeynta horyaalka Ingiriiska, waxayna aad isugu dhawyihiin Tottenham, sidoo kale waxay Quarter finalka FA keeneen naadigooda in kastoo Mancity isbuucii lasoo dhaafay ay ka reebtay.

Sidoo kale liiska waxaa lagu soo daray xidiga hogaamiya Swancia City Migu, kaasoo 17 gool dhaliyay xili ciyaareedkaan, sidokale waxa uu naadigiisa ka caawiyay ineey qaadaan koobka Capital One.

Gareth Bale:

Bale, waa ninka ugu dhow inuu ku guuleysto xidiga ugu wanaagsan sanadkaan horyaalka Ingiriiska, kadib markii uu ciyaaro mucjiso ahaa kasoo bandhigay tartanka horyaalka Ingisriiska iyo tartanka horyaalka Yurub, inkastoo dhaawaca soo gaaray iyo maqnaashihiisaba ay saameyn weyn ku reebtay naadigiisa Tottenham, oo laga soo reebay tartanka Horyaalka yurub.

Bale, ayaa ku guuleeysan doona xidiga ugu wanaagsan sanadkaan horyaalka Ingiriiska, hadii uu inta soo caafimaado uu naadigiisa ka caawiyo ineey ka adkaadaan naadiga Mancity oo ay isku arki doonan lugta 34aad, kahor inta aysan FA ku dhawaaqin laacibka ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska 2012-2013.

Van Persie:

Ninka haysta abaalmarintaan hada loo tartamayo, waa xidigii hore ee Arsenal Robin Van Persie, balse hada u ciyaara naadiga Manchester United,ayaa sidoo kale isna ka yareysan Bale, waana suurtagal inuu markiisa labaad uu ku guuleysto abaalmarintaan, maadaama uu naadigiisa ka caawiyay ineey dhibco farabadan ku hogaamiyaan tartanka horyaalka Ingiriiska, inkastoo uu ciyaarihii ugu danbeeyay goolal muhiim ah dhalin hadana waxaa u furan fursado uu kusoo cehsto heerkiisa haduu goolal muhiim ah dhaliyo 4 ciyaarood ee soo aadan.

V.Persie, waxa uu hada leeyahay 21 gool, waxaana hal gool oo kaliya ka sareeya xidiga Liverpool Suarez, kaasoo 22 gool ku hogaaminaya gooldhalinta Ingiriiska, Persie, ayaa sidoo kale naadigiisa ka caawiyay 8 gool oo uu lugtiisa ku baasay, taasoo uusan sameeynin Suarez.

V.persie, ayaa 21 gool qaar kamid ah waxa uu ka dhaliyay naadiyo waaweyn sida, Arsenal, Liverpool, Chelsea, Mancity, Newcastle, rikoorkaasna ma aysan sameyn labada xidig ee tartanka kala dhaxeyo sida Suarez iyo Bale.

Bashiir Addoow Ahmed

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Bashiir@midnimo.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here