Bale oo Qaliin guuleeystay ku maray London

Xidiga kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa magaalada London ee Caasimada UK ku maray Qaliin guuleeystay, sida lagu cadeeyay war qoraal ah oo kasoo baxay naadiga Boqortooyada.

Xidiga Caalamiga ah ee Wales, ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray Anqawga kulan ay kooxdiisa Real la ciyaareysay naadiga Sporting Lisbon ee ka dhisan dalka Potugal.

Bale

Real Madrid ayaa shaacisay in qaliinkii Gareth Bale loogu sameeyay London’s King Edward VII Hospital uu noqday mid guulaystay. Waxaana sida Real Madrid ay xaqiijisay qaliinkan dusha kala socoday dhakhaatiirta waaxda caafimaadka Real Madrid ee Dr. Mikel Aramberri iyo Dr. Jesús Olmo.

Warbixinta rasmiga ah ee ay Real Madrid ka soo saartay qaliinka Gareth Bale lagu sameeyay ayaa lagu yidhi: “Ciyaartoygeena Gareth Bale waxa uu si guulaysatay uga soo baxay qaliinkii uu maanta maray kadib markii uu canqawga lugtiisa midig dhawac ka soo gaadhay.Waxaa qaliinka lagu sameeyay London’s King Edward VII Hospital, waxaana fuliyay Dr. James Calder iyo Dr. Mikel Aramberri oo ka tirsan xarunta Sanitas ee Real Madrid waxaana dusha kala socday madax waaxda caafimaadka Real Madrid ee  Dr. Jesús Olmo”.

bale-1

Bale oo ah Xidigii ugu qaalisanaa Ebid ee ay real Madrid soo iibsato, ayaa lagu wadaa inuu seego kulanka aadka loo wada xiiseeynayo ee El-Classico iyo dhowr kulan oo kale.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here