Bale oo la xaqiijiyay mudada uu Garoomada ka maqnaanayo

Tottenham ayaa heshay war ay ku faraxdo oo ku aadan rajadooda u soo bixitaanka Champions League ka dib markii ay heleen warka ku saabsan in Gareth Bale uu tababarka ku soo laaban doono labo isbuuc gudaheeda.

Bale ayaa lagu qaaday bareelo dhamaadkii ciyaartii 2-2 ku dhamaatay ee ay la galeen Basel ee lugta hore ee wareega 8da Europa League, waxaana laga baqayay in xiddigan oo 22 gool xilli ciyaareedkan u dhaliyay Spurs inuu maqnaanayo muddo dheer.

Xiddiga reer Wales, Aaron Lennon iyo Willaim Gallas kuwaasoo iyaga laftooda dhaawacyo uu soo gaaray xalayto ayaa baaritaan lagu sameeyay maanta, waxaana baaritaanadii la sameeyay ay war fiican u ahaayeen kooxda.

Warbixin ay soo saartay Tottenham ayaa lagu yiri: “Kooxda waxa ay xaqiijin kartaa in Gareth Bale, William Gallas iyo Aaron Lennon maanta ay mareen baaritaan caafimaad ka dib markii ay ku dhaawacmeen kulankii xalay ee Europa League.

“Natiijooyinka baaritaanadaas ayaa waxa ay cadeynayaan in dhamaan seddexda ciyaaryahan ay tababarka ku soo laaban doonaan labo isbuuc gudaheeda.

“Bale, Gallas iyo Lennon waxaa maanta u bilaabatay daweyn, si wacan ayayna u qaadanayaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here