Bale oo ku guuleestay abaalmarinta PFA

Xidigga kooxda Tottenham Hotspur Gareth Bale ayaa loo magacaabay ciyaayahanka ugu wanaagsan horiyaalka dalka Ingiriiska.

Xiriirka kubadda cagta horiyaalka ee loo gaabiyo PFA ayaa u gartay Bale in uu yahay xiddigga ugu wanaagsan dalka Ingiriiska, isagoona kaga guuleestay Xidiggaha Manchester United Robin van Persie iyo Michael Carrick,iyo ciyaaryahannada kooxaha Chelsea Eden Hazard iyo Juan Mata.

23-jirka reer Welsh ayaa sannadkii 2011-kii ku guuleestay abaalmarintan oo kale, waxaa kaloo uu noqday xidigga ugu da’da yer, abaalmarintaas oo kale waxaa si isku mid ah ku guuleestay Andy Gray sannadkii 1977 iyo Cristiano Ronaldo oo ku guuleestay 2007-ka.

Bale ayaa kula soo biiray Ronaldo waxaana uu ka mid yahay shan xiddiga oo ku guuleetay abaalamarinta PFA, waxaa siddoo kale soo raaca Thierry Henry, Alan Shearer iyo Mark Hughes.

Ciyaaryahankan ayaa dhaliyay 19-gool horiyaalka Ingiriiska ee Premier League xilli ciyaareedkan, Bale dhowr gool uu ka horreeyay van Persie oo dhaliyay 25 goals iyo xidigga Liverpool ee Luis Suarez oo isna dhaliyay 23-gool kuwaasoo ah xidiggaha ugu gooldhalinta badan horiyaalka.

Bale ayaa kaga guuleestay ciyaaryahananada Aston Villa’s Christian Benteke iyo Hazard kuwaasoo iyagana u taagnaa xidiggaha ugu da’da yer sannadkan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here