Baladweyne: 3 kamid ah ciidamada Jabuuti oo ku dhintay weerar is-miidaamin ah

800px-djibouti_army_stand_at_attentionWararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in 3 kamid ah ciidamada Jabuuti ay ku dhinteen weerar is-miidaamin ahaa oo maanta Barqadii lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Xaafada Howl-wadaag.

Weerarka oo markii hore ku bilaawday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa sidoo kale waxaa ku naf waayay 2 qof oo shacab ah oo ka ag dhawaa Saldhiga.

Ilowareedyo dhinaca amniga ah oo ku sugan magaalada Baladweyne, ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay Khasaaraha soo gaaray Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

 

Al-shabaab oo masuuliyada weerarka sheegatay ayaa markaan isticmaashay farsamo cusub, iyagoo Gaariga qaraxa laga soo buuxiyay kor uga soo daday Balka ay Xoolaha Cunaan, waxaana u suurtagashay naftii haligihii waday Gaariga inuu si dhibyar isugu qarxiyo Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Howl-wadaag.

War qoraal ah oo lasoo dhigay Bogga Twitterka AMISOM, ayaa lagu sheegay in weerarka oo ku bilaawday is-qarxin uu xigay weerar toos ah oo ay fuliyeen 10 kamid ah dagaalyahanada al-shabaab.

Ciidamada Jabuuti oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM islamarkaasina gaaraya 2,000, ayaa ka howlgala Gobolka Hiiraan qeybihiisa kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here