Balacd oo saakay waa cusub ku waabariisatay

Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saakay ku waabariisatay waa cusub kadib marki ay ka baxeen gacanta Al Shabaab oo magaalada maamuleysay mudo ka badan 3 sano.

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay gacan ku heynta Balcad kadib marki ay halkaasi isaga baxeen Al Shabaab oo haatan difaac ka xirtay magaalada Jowhar.

Dadka reer Balcad ayaa shalay galab kusoo dhaweeyey magaalada, Ra’isulwasaaraha oo booqday isla markaana ku gacan qaaday qaar ka mid ah dadka marki uu socod ku maray xaafad ka mid ah xaafadaha degmada.

Xalay waxay u aheyd dadka marki ugu horeysay oo ay ciidamada dowlada dib ula wareegaan kuna hoydaan, waxaase dad badan ay leeyihiin ma xasilin doonaan mise waxa ay la kulmi doonaan weerarada ku dhifoo ka dhaqaaqda ah ee loogaga bartay Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.