Bahrain oo Muqdisho ka dhiseyso machad lagu tababaro macalimiinta

Hey’ada Bahrain Royal Charity ayaa saxiixday shalay heshiis ay dalka Soomaaliya uga hir gelineyso xarun lagu tababari doono macalimiinta taasi oo ay la gashay dowlada FKMG Soomaaliya.

Dhisida machadkan tababarka macalimiinta ayaa waxa ay kala kaashan doontaa hey’ada Islamic Relief Worldwide (IRWW), sida lagu sheegay war kasoo baxay hey’adaan ay maamusho dowlada Baxreyn.

Kulanka lagu saxiixay heshiiska ayaa waxaa ka qeybgalay boqor Hamdaan iyo Gudoomiyaha Gudiga sare ee heyada Shaikh Nasser bin Hamad Al Khalifa, Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Ahmed Edid Ibrahim, Dr Mohammed Al Alfy iyo agaasimaha guud ee RCO Dr Mustafa Al Sayad.

Shaikh Nasser  oo hadal muhiim ah ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay tani ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowlada iyo dadka reer Bahrain ugu jiraan is garab taagista walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu Shaikh Nasser tilmaamay in Machadka Tababarka Macalimiinta Bahrain oo dhismihiisa ku bixi doonto $1.5 million ( Hal milyan iyo bar dolar) uu noqon doono mashruuci labaad oo ay ay ka sameeyaan Soomaaliya wax ka yar sadex bilood.

Bishi Novmeber ayey Bahrain saxiixtay heshiis ay la gashay dowlada Soomaaliya kaasi oo ay kaga dhiseyso Soomaaliya Isbitaal gaar ah oo lagu magacaabo Bahrain Specialist Hospital ( Isbitaalka Taqasusiga ah ee Bahrain.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.