Badsashada cunista Baradhada oo sababi karta Dhiig-Kar

Ruush-640x384Darsasad-cilmiyeed ay soo saartay Hey’ad Ameerikaan ah oo qaabilsan fayo-dhowrka cuntada oo maalgalisay hey’adda BMJ, ayaa tilmaantay in haddi laga cuno Bataatiga ama Baradhada in ka badan afar mar todobaadkiiba ay sababai karto ama keeni karto cudurka dhiig-karka (hypertension).

Daraasad-cilimiyeedkani oo ay qortay Jariiradda the Guardian oo Maalin walba ka soo baxda Dalka Ingiriiska, ayaa waxay qal-qalgalisay Dadyowga Dunida, haba ugu sii darnaateed Boqortooyada Midowday UK, kuwaasi oo si xaddhaaf ah u quuta Bataatiga, islamarkaana kula taliya inay cunaan raashinka uu ku badan yahay kaarboohaydaraytka sida Bataatiga, Baastada, Bariiska iyo Rootiga.

Baaris-xaqiiqeedku waxa uu ka hor-imanayaa warka saraakiisha ka tirsan talo-siinta Dadka, kuwaasi oo bayaaniyay in raashinkaasi la cuno, waxayna ku andacoonayaan in Baradhadu ama chips-ku tahay raashin wanaagsan oo laga dhigto quutu-daruuri, balse khubaradu waxay ka digayaan cunidda xaddhaafka ah ee bataatiga si kastaba ha loo sameeyee, hala baakadeeyo, ama hala karkariyo ama hala bur-buriyo, si kastaba waxay dhibaato ku tahay caafimaadka bini’aadamka.

Cilmi-baaristu waxay ku andacoonaysaa haddi laga cuno Baradhada todobaadkii afar mar ama ka badan inay tahay wax xun, waxayna ka qaybqaadanaysaa xaaladaha sababa dhiig-karka qeybihiisa kala duwan, sida wadne-joogsi iyo maskax-dhiig ku furan, waxaase lagu tilmaamay daraasaddaasi inay tahay markii ugu horreysay ee la maqlo Bataati ayaa sababi kara dhiig-kar.

“Waxan ka helnay urur madax banana, haddi la qaato noocyada Bataatiga inay kordhiyaan halista dhiigkarka”, sidaasi waxaa yiri cilmi-baarayaal fadhigoodu yahay Magaalada Boston ee cariga Maraykanka, waxayna intaasi ku dareen in uu si gaar ah ugu badan yahay Dumarka, inkastoo daraasadda lagu muujiyay in Dumarka iyo Ragga uu wada saamayn karo, iyadoo baaritaan seddex jeer ah lagu sameeyay 180 kun oo ruux oo isugu jira Rag iyo Dumar oo aad u cuna Baradhada ayaa lagu sheegay inuu haleelay Cudurka halista ah ee dhiig-karka, sida uu tilmaamay baaritaanka.

Laakiinse Victoria Taylor oo ah sarkaal dhinaca Caafimaadka Wadnaha ee Britain ayaa ku tilmaantay baaris-cilmiyaadkaasi mid dhinac kaliya ah, islamarkaana hal ujeeddo oo kaliya leh, iyadoo tibaaxday in Bataatigu uu wax saamayn ah ku laheyn cudurka dhiig-karka, iyadoo meesha ka saarin in cuduro laga qaadi karo.

W.D. C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here