Baarlamanka Soomaaliya oo ka laabtay Mooshin ka dhan ahaa RW Saacid

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa ka laabtay Mooshin ka dhan ahaa Xukuumada R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Xilibaano gaaraya ilaa 93 oo Mooshin ka keenay R/wasaare Saacid, ayaa ka laabtay Mooshinkii ay horay usoo qadimeen, waxaana Xukuumada Saacid la faray ineey sii wadato howsheeda sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Baarlamanka, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

“Ajandaha kulanka baarlamanka maanta waxa uu ahaa in codka kalsoonida loo qaado Xukuumada, balse markii ay xilibaano farabadan oo horay usoo gudbiyay mooshinka Xukuumada ka dhanka ah ay ka laabteen, saa daraadeed Mooshin laga hadlaayo majiro” ayuu yiri gudoomiyaha Baarlamanka.

Jawaari ayaa sheegay in ay mudantahay in cashir laga barto Mooshinka maanta laga tanaasulay, waxaana uu sheegay in Cashiradas ay dib uga wada hadli doonaan.

Waxaa dhanka kale uu sheegay inuu aminsanyahay, in Baarlamaanka uu yahay mid awood uleh inuu xaliyo mushaakilaadka kajira wadanka.

Qaar kamid ah Xilibaanada oo ka waramaya dareenkooda ka noqoshada Mooshinkii ka dhanka ahaa Xukuumada R/wasaare Saacid.

“Markaan aragnay abaabulka shacabka iyo qeylada badanoo dadka kasoo yeertay, Xilibaanadii oo qaarkood la abaabulayoo Hoteelada ka qeeyliyay, Xilibaanadu waxay go’aansadeen wadajirka Xilibaanada iyo shacabka tixgalintiisa ineey mudantahay ineey Mooshinkii la laabtaan” sidaa waxaa yiri mid kamid ah xilibaanadii kamidka ahaa kuwa Mooshinka waday balse ka tanaasulay.

Xaalada ayaa saakay ka duwaneyd sidii ay ahayd 15-kii may, maalintii ay xubnaha baarlamanka ee 90-ka ka badnaa ay gudbinayeen Mooshinka kadhanka ah Ra’iisul wasaare Saacid.

Qaar baa ku ad adkaa Mooshinka micneynta ahmiyadiisa, hase ahaatee dadka Siyaasada Soomaaliya qaadaa dhiga ayaa qaba in markii horeba Mooshinka uu ahaa mid iska lab lakac ah.

Qeybo kamid ah bulshada rayidka iyo Odoyaasha dhaqanka, ayaa Muqdisho ka waday 48 saac ee lasoo dhaafay Ololayaal ay kaga soo horjeedaan Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada R/wasaare Saacid.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here