Baarlamanka oo saakay kullan xasaasi ah ka leh xil ka qaadistii Ceeydiid Ilka-xanaf

Baarlamanka oo kulan xasaasi ah maanta ka leh xil ka qaadista ilka-xanaf
Baarlamanka oo kulan xasaasi ah maanta ka leh xil ka qaadista ilka-xanaf

Sida ay nagu soo gaarayaan wararka ka’imaanaya magaalada Muqdisho, Baarlamanka Federaalka ayaa lagu wadaa ineey saakay kullan xasaasi ah ka yeeshaan xil ka qaadistii uu shalay Madaxweynaha ku sameyay gudoomiyihii maxkamada sare Ceydiid Ilka-xanaf.

Xildhibaano katirsan Baarlamanka oo shalay kullan gaar ah yeeshay, ayaa si weyn uga soo hor jeestay xil ka qaadista Ilka-xanaf, waxeeyna gudoonka Baarlamanka ka dalbadeen in saakay laysugu yimaado kullan arintaas looga hadlayo.

Qaar kamid ah Xildhibaanada, ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Madaxweynaha ay tahay kali talisnimo, waxeeyna gudoonka Baarlamanka ka dalbadeen kullan deg-deg ah.

Xildhibaanada arintaan kahor yimid waxaa kamid ah, Xildhibaanada Khadiijo Maxamed Diiriye, taasoo, waxeyna mudanayaasha ugu baaqday ineey kahor tagaan tallaabada uu Madaxweynaha qaaday.

Waxaa xusid mudan in marka la gaaro xiliyada kala guurka, ay hay’adaha Doowlada ku dhameystaan buuq iyo isqabqabsi siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here