Baarlamanka oo maanta ka doodaya Mooshinka ka dhanka ah RW Saacid

DSC019791Kadib kulan shalay [Sabti] ay yeesheen xubnaha 15ka guddi ee joogtada ah ee golaha baarlamaanka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in maanta oo Axad baarlamaanka loo qeybiyo mooshinkii xukuumadda laga keenay. Guddoonka baarlamaanka oo shirkan guddoominayey ayaa sheegay in mooshinka maanta loo qeybinayo xubnaha baarlamaanka si ay u soo akhristan ka dibna looga doodo maalinta xigta ee berito.

Waxaa lagu wadaa in maalinimada Isniinta dooda mooshinka ay ka furanto baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo xukuumaddiisa oo haddii uu heli waayo in ka badan 139 cod xafiiska isaga tegi doona.

Xildhibaanada dhexdooda ayaa hadda ku kala qeybsan mooshinkan. Waxaa mooshinka sida la sheegay saxiixay 168 mudane halka kooxda diidana ay sheegeen in ka badan yihiin 140 mudane.

Waxa cad in baarlamaanka uu ka dhex dhici doono muran iyo hardin siyaasadeed oo culus maadaama ay u kala jaban yihiin labo qeybood oo kala raacsan madaxweynaha iyo raysal wasaaraha uu khilaafku hareeyay.

1 COMMENT

  1. waxay umuuqataa in xaqii soo daahiray xukuumada culusowna garabkeeda alle kabaxay oo halaagsami doonto awalba waxa ay kuheshiiyeen inay ku gardaroodaan 2daa maamul ee puntland iyo jubaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here