Baarlamanka Norway oo ka doodaya dhibaato haysta Waalidiinta Soomaaliyeed ee….

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay dalka Norway kajiray in waalidiin Soomaaliyeed Caruurtooda si xoog ah lagala wareego, waxaana arintaas ay keentay in labadii maalin ee lasoo dhaafay shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan ay banaan baxyo waaweyn ka dhigaan magaalooyinka wadankaas.

Baashe Maxamed Muuse, oo ah Xilibaan laga soo doorto magaalada Oslo, ayaa mar uu Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho wareysi siinayay, waxa uu sheegay in markii ay arintaan maqleen, tallaabadii ugu horeesay ay qaadeen ay ahayd, in gudiga shaqaalaha iyo arimaha qoyska ay dib isugu laabtaan.

Baashe ayaa sheegay in gudiga ay isla afgarteen, in waalidiinta Soomaaliyeed labaro sida loo barbaariyo caruurta, iyo in sidoo kale dib loo soo celiyo caruur laga qaaday waalidiintooda.

Baashe Maxamed Muuse, ayaa dhanka kale sheegay in arintaan loo gudbiyay baarlamaanka wadankaas, islamarkaasna dalka Norway uu leeyahay sharci lama dhaafaan ah, waxaana uu sheegay in inta badan la dhagaysto hadalada kasoo baxa caruurta.

Ugu danbeyntii Baashe, ayaa shegay in ay jiraan waalidiin farabadan oo caruurtooda dib loogu soo celiyay, waxaana uu arintaas uga mahad  celiyay gabar Somaaliyeed, kuna sugan magaalada Oslo, taasoo qareen u noqotay qoysaska Soomaaliyeed, dibna ugu soo celisay caruurtii lagala wareegay.

Waalidiinta Soomaaliyeed, ee qaxooti ahaanta isaga dhiibay dalalka Yurub, ayaan iyagu badanaa fahansaneen dhaqanka iyo shuruucda wadamadaas, islamarkaasna ku dhagan dhaqankii Soomaaliya, iyagoona canaanta ama garaaca caruurtooda, taasoo keenta in lagala wareego caruurta, islamarkaasna lagu wareejiyo dad cadaan ah oo ilmahaas tarbiyadooda lawareega, taasna waa caqabada ugu weyn ee Soomaalida ku haysata qurbaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here