Baarlamanka DF oo maanta kulmaya

kulankii-baarlamaanka-2Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horreeyay tan iyo maalintii Sabtida ee toddobaadkii hore kadib markii weerar iyo isqarxin lagu qaaday xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

Guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in la dhameeyay hawlo dayactir ah oo lagu hagaajinayey qeybo ka mid ah dhismaha hoolka baarlamaanka uu ku shiro iyo konrontada oo ku go’day qaraxyadii waaweynaa ee ka dhacay Sabtidii hore kuwaasoo Al Shabaab ay sheegatay masuuliyadeeda.

Sidoo kale waxaa xarunta baarlamaanka wax laga bedelay amaanka xarunta kadib markii ciidamo kale oo dheeraad ah lagu soo kordhiyey.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray kulamo looga hadlayey xaalada amniga baarlamaanka iyadoo xildhibaanada ay soo jeediyeen in si gaar ah lo sugo amaanka xarunta xilliyada ay jiraan kulamada baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here