Baarlamanka Cusub oo maanta kulan yeelanaya

Maanta ayaa lagu wadaa iney kulan isugu imaadaan Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya,waxaana markii ugu horeesay shir gudoomin doona Afhayeenka dhowaan ladoortay ee Prof. Jawaari,kulanka maanta ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arimaha kusaabsan doorashada madaxweynaha iyo qaabka ay udhici doonto.

Kulanka maanta ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaarin doonaa tiro xilibaano ah oo ay shalay maxkamada Sare usoo ogolaatay ineey kamid noqdaan baarlmanak cusub,xilibaanadaan ayaa ubadan qabqablayaashii hore ee hogaamiye kooxeedyada kuwaasoo dhibaato badan usoo geystay dalka iyo dadkaba.

Kulamo gaar gaar ah ayuu Gudoomiyaha xalay la qaatay Xildhibaanada cusub, waxaana ay aheyd qaarkood kuwa is barasho, mid ka mid ah kulamada ayuu la yeeshay Hogaamiyeyaashii hore ee dagaalka oo ay dib u celiyeen Gudiga farsamada, hase ahaatee ay fasaxday Maxkamada sare.

Gudoomiyaha cusub ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo xilliga doorashada Madaxweynaha ay dhaceyso, iyadoo shalay Wakiiladii ka socday Beesha Caalamka ay dalbdadeen in la soo dedejiyo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka Baarlamaanak cusub uu maanta yeelanayo ayaa imaanaya maalin kadib markii la doortay Gudoomiye Baarlamaan iyo Labo kuxigeen, iyadoo Hey’adii u horeysay Dastuuri ah lagu doorto magaalada Muqdisho muddo 42-sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here