Baarlamanka cusub oo maanta Afhayeen dooranaya

Baarlamanka cusub oo maanta Afhayeen dooranaya

Doorashada oo ka dhaceysa magaalada Muqdisho ayaa waxaa ilaa iyo xalay la dareemayay diyaar garowga siyaasiyiinta iyo ololaha musharixiinta u taagan xilka gudoomiyenimada baarlamanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee dowladda iyo kuma midowga Africa ayaa lagu arkayaa saakay qaar ka mid ah jidadka Magaalada muqdisho si ey amaanka u adkeeyaan.

Doorashada ayaa ku soo beegmeysa xilli weli xal aan laga gaarin xubno ka maqan 275ka xubnood ee baarlamanka cusub.

sababo la xiriira amaanka halka ay doorashada ka dhaceyso lama shaacin, hase yeeshee waxaa la filayaa inay ka dhacdo Garoonka Aaden Adde.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here