Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray R/wasaare Saacid iyo Xukuumadiisa

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulankii 12-aad Kalfadhigiisii Labaad waxaana shir gudoominayey kusimaha guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka labaad ee goalaha shacabka Mahad  Cabdalla Cawad iyadoo tirada Kooramku uu ahaa 130 mudane.

Kulanka maanta ay baarlamaanka isugu yimaadeen ayay uga doodeen qodobo farabadan, laakiin waxaa ugu muhiimsanaa, in qaar kamid ah Xilibaanada ay soo jeediyeen in R/wasaare Saacid iyo Xukuumadisa ay baarlamaanka horyimaadaan, si loola xisaabtamo.

Kusimaha Gudoomiyaha Mahad  Cabdalla Cawad ayaana gudagalay talo soojeedintiisa taasi oo Kamid aheyd la xisaabtanka Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo wada-shaqeynta ka Dhaxeysa waxa uuna sheegay in weli aysan hey’adaha Xukuumaddu kasoo jawaabin qoraalka Uu u diray gudoomiyaha Barlamaanka ee ahaa inay soo gudbiyaan qorsha-howleedkooda Wasaaradaha dowladda, waxaana markakale loogu yeeray xubnaha golaha wasiirada inay Baarlamaanka qorshahooda u soo gudbiyaan.

Xubno katirsan Baarlamaanka Mooshin ay gudoonka u gudbiyeen oo la xiriirray u yeerida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa la isla gartay in wasiirku 14ka bishan isna Uu hor yimaada Baarlamaanka si loo weydiiyo su’aalo arrimaha amaanka ku saabsan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here