Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho kulan Xasaasi ah Uga Socda Maanta

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa ayku leeyihiin xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho iyaga oo ka hadlaya miisaaniyada Xukuumadda Soomaaliya oo maalamihii dambe Baarlamaanka Soomaaliya ay ka doodayeen.

Ujeedka kulanka ayaa wuxu yahay sidii Barlamaanka Soomaaliya dib u eegis ay ugu sameyn lahaayen Misaaniyada Xukuumadda Soomaaliya sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo kamid ah xoghaynada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa suurtagal ah  in kulanka maanta looga hadlo arrinta ku saabsan guddiyada Baarlamanka oo la filayo in guddoonka Baarlamanka uu soo gudbiyo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe wax ay wadeen kulamo isdaba joog ah oo ay uga hadlayaan arimaha Dowladda soomaaliya sido kalena lagu dabagalayo arimaha heshiisyada Dowladda Soomaaliya ay la gashay dallalka caalamka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here