Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta lagu Wado in Kulan ku Yeeshaan Muqdiso

Warar hordhac ah aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaalada ay Muqdisho ay ku kulmayaan xiildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,si ay kaga doodaan qorshaha afarta sano ee soo socota.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in xiidhibaanada ay wadaan qaban qaabadii ugu danbeysay ee ay ugu suurta galeyso in shirkaan maanta uu qabsoomo.

Waxaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya loo qeybiyay qoraalka ay kaga doodayaan wax ku darista iyo ka dhimista xeerka ama qorshe howleedka afarta sano ee soo socota.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilihii uu dhisnaa waxa uu soo bandhigay howlkarnimadiisa,iyagoona qabtay howshii ugu adkeyd ee hay’adaha dowlada Soomaaliya,waxaana tusaale loo soo qaadan karaa meel marintii Xeer-hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa la filayaa in kulanka ka dhacaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ay kaga doodaan arimo kale oo badan oo xitaa hoos imaanaya dhanka amaanka guud ahaan deegaanadii dhawaan laga saaray Ururka Al-Shabaab.

Guddoonka sare ee Barlamaanka ayaa mudooyinkan ku howlanaa diyaarinta qorshe howleedka ay doonayaan in Barlamaanka Soomaaliya ay uga duulaan shaqooyinka badan ee hor yaala, waxeynta arrinatani qeyb ka tahay isbaddelka uu ku howlgalo, si ay uga soo dhalaalaan ballantii uu qaaday Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee kulanka baarlamaanka soomaaliya ayaa waxaa shir gudoomin doono gudoonka baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here