Waxaa lagu wadaa in maanta ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya si codka kalsoonida ay u siiyaan ama ay ugu diidaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr Maxamed Cisamaan Jawaari ayaa hore u sheegay in ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon in maanta oo ah Arbaco la horgeyn doono Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya si ay codka kalsoonida ah u siiyaan.
Ra’iisul wasaare Saacid ayaa markiisii ugu horeysey Baarlamaanka khudbad ku aadan waxbqadka xukuumadiisa ka jeedin doona.
Lama oga in Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixin doono Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale inuu diido doono.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa 6dii bishaan waxaa magacaabay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.