Baarlamaanka Soomaaliya oo ka codsaday Madaxweyne Xasan Sheekh inuu labo maalmood ku horkeeno R/wasaare Saacid baarlamaanka

Kulan ay maanta yeesheen xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed uuna shir guddoominayay Dr Maxamed Cismaan Jawaari ayaa loogaga dooday qodobo kala duwan.

Kulankan oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ayaa loo qeybiyey xubnaha baarlamaanka xeer hoosaadka afarta sano ee soo socota uu yeelanayo baarlamaanka. Waxaana laga codsaday in muddo saddex maalmood ah ku soo aqriyaan kadibna cod loo qaadi doono.

Hase yeeshee arrinta ugu weyneyd ee xubnaha baarlamaanka ay maanta soo bandhigeen ayaa ahaa iyagoo ka codsaday madaxweynaha in uu baarlamaanka horkeeno R/wasaaraha cusub si ay codka kalsoonida u siiyaan ama ugu diidaan.

Afhayeenka baarlamanka ayaa ballanqaaday in uu farriintaas gaarsiin doono madaxweynha isla markaana ay ka sugaan jawaab.

Xubnaha baarlamaanka ayaa isku khilaafsan in R/wasaaraha oo kaliya la horkeeno baarlamanka kadibna uu keensado golihiisa wasiirada.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu xamaasada badnaa ee ay yeeshaan xubnaha baarlamaanka inkastoo ay mudanayaal badan ka maqnaayeen oo ay goobjoog ka ahaayeen ilaa iyo 202 mudane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here