Baarlamaanka oo saakay codka kalsoonida u qaadaya wasiiradii hore

Baarlamaanka
Baarlamaanka

Saakay oo Talaado ah, ayaa lagu wadaa in mudanayaasha Baarlamaanka DFS, ay codka kalsoonida u qaadaan, in wasiiradii hore ee Xukuumadii R/wasaare Saacid lagu soo daro golaha wasiirada cusub iyo in kale.

Kulanka baarlamaanka ayaa toos u bilaabanaya iyadoo doodii ay xildhibaanadu ka lahaayeen moshinkan ay soo dhamaatay, waxaana si weyn loo hadalhayaa in mooshinka uu meelmari doono iyo in kale maadaama baarlamaanka uu u kala qeybsan yahay labo koox oo iska soo horjeeda.

Saacadihii u dambeeyay waxaa mooshinka dooda adag dhaliyey ku biirey xubno wasiirnimo ka doonaya dawlada cusub kuwaasi oo raba in mooshinku uu guuleysto halka xubno wasiiradii hore ee xukuumaddii Cabdi Faarax Shirdoon ka mid ahaa oo haddana wasiirnimo raba ay olole weyn ugu jiraan inay kala dhantaalaan codadka uu heli karo mooshinka.

Dhanka kale warar lagu kalsoonaan karo, ayaa xaqiijinaya in Habeenkii Xalay ahaa, uu madaxweynaha Casho sharaf u sameeyay qaar kamid ah Xilibaanada Mooshinkaan saxiixay, islamarkaasna uu ku qanciyay ineey ka tanaasulaan arinkaas, isagoo u ballanqaaday Jagooyin iyo Qarash.

Ma cadda sida ay wax ku dhamaan doonaan maanta, haddiise uu baarlamaanka ansixiyo mooshinkan waxay noqoneysaa marklii ugu horreysay oo baarlamaanka Soomaaliya uu meelmariyo sharci diidaya in wasiiradii hore u soo shaqeeyay ay kamid noqdaan xukuumada cusub taasoo la sheegayo in laga yaabo in mooshinada siyaasadeed ee noocan oo kale ah ay sii socdaan mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here