Baarlamaanka oo maanta Si Nabad ah ugu Kulmay Muqdisho

Xildhibaannada baarlamaanka o
Xildhibaannada baarlamaanka 

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maanta kulan ku yeesheen gudaha Magaalada Muqdisho iyadoo wax buuq ama fowdo ah ka dhalan kulankaasina uu soo dhamaaday.

Kulankii maanta Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxa shir gudoominayey Gudoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari.

Waxa Xildhibaanada loo qeybiyey warqaadaha Mooshinka ka dhanka ah R/wasaaraha Somaliya Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed.

Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada soo akhristaan Warqadaha Mooshinka ku qoran yihiin maalinta Khamiistana ay noqon doonto mid xildhibaanadii saxiixay mooshinka laga hor akhrin doono Baarlamaanka Hortiisa.

Wasiirka Arimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre ayaa looga yeeray Xarunta Baarlamaanka inuu berrito tago si su’aalo loo weydiiyo.

Maalinta Sabtida ah ayaa la filayaa in codka kalsoonida loo qaado R/wasaaraha Dalka Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed oo mooshin ka dhan ah Baarlamaanka hadda horyaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here