Baarlamaanka oo maanta Mooshinkii R/W Cabdiweli la Horgeenayo

kulankii-baarlamaanka-131

Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan waxay ku leeyihiin Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho iyadoona si weyn indhaha loogu hayo,dadkuna ay raadiyeyaasha dhagaha ku hayaan si ay ula socdaan wararkaasi iyo waxa kasoo kordha.

Xildhibaanada waxa loo qeybin doona maanta Mooshinka laga keenay R/wasaaraha Dalka Cabdiweli Shiikh Axmed iyadoona xildhibaanadu ay weli mooshinkaasi ku kala fekir duwan yihiin.

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku goodiyey in xildhibaankii Arbushaad isku daya tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Sida muuqata kulanka maanta ayaa ah Baarlamaanka mid Xasaasi ah,waxaana indhaha sidoo kale kulankaasi ku haysa beesha Caalamka oo khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka ka walaacsanaa.

Wixii kasoo kordho kulankaasi maanta ka dhacay Baarlamaanka Muqdisho dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here