Baarlamaanka oo Maanta kulmaya, Kana Doodaya Miisaaniyada Dowlada 2013

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulmaya ayaa ka doodi doona Miisaaniyada Dowlada ee 2013-ka.

Xildhibaanada ayaa Maanta oo ah Maalinti sadexaad ka doodaya Miisaaniyada Dowlada ee sanadka soo socda, kaasoo ay horey u sheegeen in ay u baahan tahay dib u eegis.

Doodihii hore waxa ay baarlamaanka diirada ku saareen xuquuqda ciidamada Dalka qeybahooda kala duwan iyo Adeega Bulshada Soomaaliyeed ee Baarlamaanku uu matalayo.

Kulanka Maanta ayaa lagu balansan yahay inuu furmo waqti hore, si looga faa’iideysto waqtiga oo ah mid aad ciriiri u ah, waxaana baarlamaanka ku soo fool leh Labo Bilood oo fasax ay galayaan.

Kulanka maanta ayaa la saadaalin karin waxa ka soo baxaya, waxaana suuragal ah in dooda ay dheeraato oo dib loo dhigo mar kale.

Wixii warar ah ee ka soo baxa kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here