Baarlamaanka oo maanta ka doodayo qodob dastuuri ah

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodayo qodob ku qoran dastuurka kaasi oo dhigaya in musharaxa madaxweynaha looga baahanyahay inuu helo codadka 20 xildhibaan ka hor inta uusan isa soo taagin.

Qodobkaan ayaa ah kan ugu adag ee shuruudaha hor yaala musharaxiinta kadib makri qodobada kale ee labadi maalin ay soo saareen gudiga doorashada ay u muuqdaan kuwo ay kasoo bixi karaan.

Afhayeenka gudiga doorashada Ismaan Libaax ayaa sheegay in si kastaba ayasan dib u dhici doonin doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la qaban doono waqtiga loo qorsheeyey.

“Howsha kala har ma lahan way soconeysaa, shaqo badan ayaa taalo maalmaha ka dhiman doorashada, wax dib u dhac ah ma jiro doorashadana waxay dhici doontaa bisha tobankeeda hadii ALLE yiraahdo,”

Golaha Shacabka oo ah halka lagu qaban doono ayaa saakay wadooyinka soo gala laga celinayaa gaadiidka dadweynaha, waxaana halkaasi la geeyey ciidamo badan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here