Baarlamaanka oo Maanta Cod u Qaadaya Miisaaniyada Dowlada ee Sanada 2013

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay cod u qaadaan Miisaaniyada Dowlada ee sanada 2013-ka.

Sida uu Mudanayaasha Baarlamaanka u sheegay gudoonka sare ee baarlamaanka Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada ay ansixiyaan Miisaaniyada Dowlada Soomaaliya ee Sanadka 2013.

Xildhibaanada ayaa marka hore ka dhiiban doona fikirkooda, kadibna waxaa laga sugayaa inay ansixiyaan Miisaaniyada Dowlada 2013-ka, taasoo ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyada.

Lama oga in Maanta uu Baarlamaanka ansixin doono Miisaaniyada  Dowlada Soomaaliya, waxaana suuragal ah in maanta ay dheeraato dooda ku saabsan miisaaniyada taasoo sababi karta in codenta dib loo dhigo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here