Baarlamaanka oo Kulmaya & R/wasaaraha oo Hortagaya

Xildhibaannada baarlamaanka o
Xildhibaannada Baarlamaanka oo Kulmaya

Waxaa sida caadiga ahaa magaalada Muqdisho waddooyinkeeda qaar la xiraa marka ay shirayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo saaka Wadada Dabka ilaa Xaawo Taako ciidanka xireen oo baabuurta Shacabka inay isticmaalaan loo diidayey.

Kulanka maanta Baarlamaanku leeyihiin waxa loo ballansanaa in Xukuumada lagu horgeeyo hase ahaatee isbadal yimid oo ahaa in Wasiiradii dhawaan lasoo magacaabay la kala diray ay warqad taasi cadeyn u ah Xildhibaanadu maanta akhrisan doonaan oo loo qeybin doono.

R/wasaare Sharma’arke ayaa la filayaa inuu Baarlamaanka Hortago islamarkaana uu sharaxaad ka bixiyo wasiiradii uu dhawaan soo magacaabay iyo kala diristooda waxa kusoo beegay iyo qorshaha Xukuumada uu soo dhisi doono waxay noqoneyso.

La soco wixii kasoo kordho Baarlamaanka iyo Kulanka ay leeyihiin maanta insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here