Baarlamaanka oo ka Doodaya Miisaaniyadda Xukuumadda Soomaaliya

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa Salaasada maanta ah kulan ay ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho waxaa ay kaga doodi doonaan miisaaniyadda xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xogheynta baarlamaank ayaa SN u sheegtay in kulankan ay kaga doodayaan sida leysku waafain karo miisaaniyadda xukuumadda iyo daqliga dowladda soo gala.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka soo noqo doona wasiirka maaliyadda oo ay wasaaradiisu soo dajisay miisaaniyadda xukuumadda iyadoo ay soo xaadiri doonaan ku xigeennada wasiirka oo iyaga dhawaan la soo magacaabay.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa shir gudoon ka noqonaya kulanka baarlamaanka oo si weyn looga falaan qoon doona miisaaniyadda.

Xildhibaannada ayaa waqti u heysta muddo afar saacadood ah inay soo aqriyaan miisaaniyadda kadibna ay soo celiyaan si ay uga doodaan qorshaha ay soo dejisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here