Baarlamaanka oo dood adag ka yeelanaya miisaaniyadda dalka 2018

Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka ayaa lagu wadaa in maanta ay horgeeyaan xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlmaanka soomaaliya warxbin ku saabsan miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan aynu ku jirno ee 2018.

Warbixintan oo loo qeybiyay xildhibaannada Golaha shacabka todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa uu dhaliyay dood dheer, islamarkaana aad loogu eedeeyay wasaaradda maaliyadda iyo maamul Gobalka banaadir inayn ku kaceen masuq maasuq baahsan.

Guddiga maaliyadda ayaa warbixinta ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in maamulka gobalka banaadir uu soo galay 2018ka qarash gaaraya 25 milion halka qasnadda dowladda hoose ee xamar lagala baxay in ku dhow lix million taasi oo aanan la ogeyn halka ay ku baxday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Cod u qaadaan Sharciga Hanti dhowrka Qaranka.

Xildhibaannada Golaha shadcabka ayaa la dhowrayaa sida ay ka yeelaan warbixnta miisaaniyadda ee 2018ka.

Xasan Sheikh Maxamuud oo xaadiray Kulanka baarlamaanka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here