Baarlamaanka oo dib u dhigey ansixinta miisaaniyada saddexda bilood ee soo socota

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u dhigay go’aan ka gaarista miisaaniyadda 3 bilood ee soo socota kadib markii sii hayaha xilka wasaaradda maaliyadda C/naasir Max’ed Cabdulle uu baarlamaanka horgeeyey si loogu shaqeeyo 3da bilood ee ka harsan sanadkan 2012.

Hase yeeshee markii xildhibaanada loo qeybiyey qoraalka miisaaniyada la isku dayay in dood laga dhiibto ayaa qaar kamid ah xildhibaanada waxa ay soo jeediyeen in aysan suurtogal ahayn in doodan maanta laga yeesho miisaaniyada iyadoo aan meel lagu ogeyn bilihii la soo dhaafay miisaaniyada dowlada.

Dood dheer kadib ayaa la isku raacay in la magacaabo guddi dhaqaale oo kala dooda dowladii R/wasaare Gaas bilihii la soo dhaafay gaar ahaan tan iyo bishii Decembertii hore miisaaniyadii dowlada ku shaqeyneysay maadaama uusan shaqeyn mudadaas baarlamaanka.

Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu arrintaan ka doodi doono talaadada soo socota kadib marka ay si fiican usoo aqristaan qoraalka miisaaniyadda 3-da bilood ah ee sanadkan ka haray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here