Baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay xukuumada cusub

Xildhibaanada baarlamaanka oo meel mariyay xukuumada cusub
Xildhibaanada baarlamaanka oo meel mariyay xukuumada cusub

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow meel mariyay xukuumada cusub ee Soomaaliya, taasoo  maanta ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh uu horgeeyay qorshaha xukuumadiisa.

Codeynta oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa waxaa codeeyay 233 xildhibaan iyadoo 186 ka mid ah ay ku codeeyeen HAA, halka 46 mudane ay iyaguna ku codeeyeen MAYA, waxaana ka aamusay hal mudane oo keliya, siddaas waxaa sheegay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.Maalinta

Berri ayaa la filayaa in la dhaariyo xubnaha wasiirada cuusb oo ka kooban 55-ka wasiir, wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle.

Waxaa kulanka maanta ku sugnaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo inta badan wasiiradiisa, kuwaasoo ku farxay natiijada.

Dhinaca kalem madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay ansixinta xukuumada cusub, isagoona tilmaamay in howl fiican ay hayaan baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here