Baarlamaanka oo cambaareeyey awoodi sharciyada ee uu isla gediyey madaxweynaha

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay go,aanki uu madaxweyne Sharif ku laalay awooda sharciyeed ee baarlamaanka.

Xildhibaan C/qadir Shekeh Ismaaciil ayaa sheegay in ay tahay wax aanan loo dul qaadan karin in madaxweynaha uu gaaro go,aankaasi isla markaana aysan baarlamanka afka qabsan doonin.

“Go,aankaasi ma ahan go,aan sharciyo heysta, madaxweynaha sidiisa arintaasi wuu ku qaldanyahay, awooda madaxweynaha waxaa qeexaya qodobo ka mid ah axdiga laakin waa arin la yaab leh waxa uu ku kacay,”

Wuxuu ku eedeeyey saxiixayaasha Roadmap-ka oo uu madaxweynaha ku jiro in dalka ay ku wadaan wado qaldan oo aanan sharci aheyn, isaga oo xaaraan ku tilmaamay heshiisyadi la xiriiray xaga qariirada nabada.

“Sidaad la socotaan mudooyinkaan dalka wuxuu ku socday sharci daro sababtoo ah heshiisyadi dhacay oo dhan ma sharciyeysna oo laga horkeenin baarlamaaka,” ayuu yiri.

Hadalkaan ayaa imaanaya maalin kadib marki madaxweyne Sharif uu meesha ka saaray awooda baarlamanka oo uu la wareegay isaga.