Mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod fartaag ah ku ogolaaday xildhibaano gaaraya 20 oo gudiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka horay u diideen.
Gudi uu baarlamaanka u xilsaaray oo ka koobnaa 10 ayaa warbixin ay ka hor aqriyeen goor dhaweyd baarlamaanka ku sheegay in baaritaan dheer kadib ay u codeeyeen xildhibaanada in ay baarlamaanka ku biiraan.
Afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa intaasi kadib ka codsaday baarlamaanka in ay cod fartaag u qaadaan in ay raacsanyihiin soo jeedinti gudiga iyo in kale.
Ugu danbeyntii baarlamaanka ayaa gaaraya 98 ku aqbalay, halka 85 ay diiday, 9 way ka aamustay 50-kalana meysan codeyn.
Qaar ka mid Magacyada Xildhibanada la diidanaa
1- C/laahi Sheikh Ismaaciil
2-Maxamed Qanyare Afrax
3-Bootaan Ciise Caalin
4-Cumer Maxamuud Maxamed Finish
5-Aadan Maxamed Nuur Aadan Madobe
6-Maxamed Ibraahim Xaabsade
7-Cabdi Casiis Sheikh Yuusuf
8-Cabdi raxmaan Xaaji Aadan Ibi
9-Axmed Ducaale Geele Xaaf
10-Xirsi Aadan Rooble
11-Cabdi Qaadir Xaaji Maxamed Yuusuf
12-Maxamed Farax Jimcaale
13-Aadan Maxamed Nuur Aadan Saran soor
14-Maxamed Xuseen Isaaaq Afaraale
15-Maxamed Xuseen Nuur Xagaafe
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.