Baarlamaanka oo ansixiyay wasiiro ku xigeenadii dhinaay

Fadhi ay maanta isugu yimaadeen  golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixyay wasiiro ku xigeenadii iyo wasiiro doowlayaashii uu dhowaan magacaabay RW Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Kahor intaan baarlamanku aysan anisixin  wasiirada, ayaa waxay dood dheer kayeesheen sideey u arkaan wasiirada, waxaana shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Doodaasi kadib ayaa waxaa cod gacan taag ah loo qaaday Wasiir Dowlayaasha iyo Wasiir Kuxigeennada ay maanta ka doodayeen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo intii ugu badneyd Xildhibaannadana ay codkooda kalsoonida siiyeen.

Kadib dood dheer iyo falanqeyn, waxaa codka kalsoonida loo qaaday wasiiradaan cusub, waxaana 138 xilibaan ay u codeeyeen in ay ansax yihiin wasiiro ku xigeenada, halka 12 kalena ay ka aamuseen.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ugu mahad celiyey Xildhibaanadda sida sharafta leh oo ay u ansixiyeen qaybtii dhimanayad ee golaha Wasiirada,

“ Waxaan aad idiinka mahad celinayaa sida wanaagsan oo aad ula shaqaysaan xukuumadda, waxaana taas daliil u ah codka aqlabiyada ah oo aad markasata ku ansixisaan, sidoo kale waxaana u aragnaa in ay tahay waajib shaqo oo idin saaran inaad soo celisaan wixii aad u aragtaan in aysan ku jirto danta guud. Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan dib u habayn ku soo samayn doono Miisaaniyada aad ku soo celiseen xukuumadda sida ugu dhaqsaha badana ayaan dib idinkugu soo celinaynaa”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here