Baarlamaanka oo 3 maalin ugu qabtay xukumada in ay ku keento roadmap-ka

Mudanayaasha baarlamaanka ee dhawaan gudoomiyaha u doortay xildhibaan Madoobe Nuunoow ayaa u qabtay xukumada Ra’isulwasaare C/wali inay mudo 3 maalin gudahood ay ku hor keenyo barlamaanka barnaamijka geesi socodka roadmap.

Fadhi ay maanta ku yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka isla markaanka uu gudoominayey Madoobe Nuunoow ayey kaga hadleen arimaha shirka London iyo ansixinta roadmap-ka.

Waxay sheegeen in loo baahanyahay in mudo sadex maalin gudahood ay xildhibaanada ku keenaan barnaamijka iyo qodobada uu ka koobanyahay roadmap-ka.

“Somaalida waan u cadeyneynaa aduunkana waan u sheegeynaa, anaga waan ansixineynaa barnaamijka roadmap ee hanloo keeno, baarlamaanka ma diidana ee mudo sadex maalin gudahood ha keento xukumada, subaxa Sabtida ah ayaa balan noo ah, hadii ay noo keeni weyso waajibaadkeena ayaan qabsan doonaa” sidaa waxaa kaga dhawaaqay shirka Madoobe Nuunoow Maxmed.

Gabagabadi kulan ayey xildhibaanada ku qaadaceen shirka London oo bisha soo aadan loogaga hadli doono arrimaha Somaaliya.

Shirkaasi oo furmaya 23-ka bisha soo socota, waxay ku sheegeen shir lagu kala faquuqayo, xilli madaxda dowlada ay ku tilmaameen shir muhiim u ah aayaha dalka.

Sida la filayey shirki maanta ma aysan dhicin wax rabshado ah, taasina waxay ku timid iyadoo ayasan soo xaadirin xildhibaanada taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.