Baarlamaanka Jermalka oo oggolaaday khubaro loo soo diro Somalia

Baarlamaanka Germalak oo meel mariyay khubaro loo soo diro Soomalia
Baarlamaanka Germalak oo meel mariyay khubaro loo soo diro Soomalia

Bogga Deutsche Welle ayaa qoray maanta oo Sabti ah baarlamaanka dalka Jarmalka in uu meel mariyay qorshe ay dowladda wadato oo ah in saraakiil iyo khuburo millitari loo diro dalka ku yaalla geeska Afrika ee Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa la sheegay in ay tababaro siinayaan  ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya maadama qorshaha Midowga Yurub ee uu ciidanka ku tababarayay dalka Uganda hadda loo wareejiyay magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in saraakiil sar sare oo ka socota dalka Jarmalka ay soo gaaran magaalada caasumada ah ee Muqdisho,waxaana sidaa go’aamiyey baarlamaanka dalkaasi Jarmalka. Baarlamaanka dalka Jarmalka ayaa meel mariyay in ciidamo tababarro bixaya la geeyo gudaha Soomaaliya,

Ciidamo ka socda Jarmalka ayaa tababarka siinayay ciidamada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2010-kii, balse tababarradi ay bixin jireen saraakisha Jarmalka waxaa ay hakadeen kaddib markii howlgalka sare loogu qaadayo xirfadda ciidamada Soomaalida loo soo wareejiyey gudaha magaalada Muqdisho bishii Diseember sanadkii lasoo dhaafay.

Guud ahaan 118 ayaa ka soo horjeestay in saraakiil Jermal ah loo diro Soomaaliya.

axa uu Somaliland ku tilmaamay goob nabadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here