Baarlamaanka cusub oo la dhaariyey iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo la dooranayo 26-ka

Waxaa goor dhaw la dhaariyey xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cade ayaa lagu dhaariyey 225 xildhibaan kuwaasi oo noqday talaabadi ugu horeysay oo ay Dowlada Federaalka Soomaaliya qaado.

Dowlada cusub oo ay hordhac u noqdeen xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa munaasabada madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed, iyo saraakiil ka socotay beesha caalamka oo uu ugu horeeyo Mahiga.

Kulan ay isla caawa ku yeesheen goobta lagu dhaariyey ayey xildhibaanada gudoomiye kumeel gaar ah ugu magacaabeen  Jan. Muse Xasan Cabdullle.

Gudoomiyaha Maxkamada sare Caydiid Ilkaxanaf ayaa goobta uga dhawaaqay in gudoomiyhaa baarlamaanka la dooran doono 26-ka bishaan August si kadibna loo doorto madaxweynaha cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here