Baaritaano Xoogan oo Saakey ka Socda Wadooyinka Magaalada Muqdisho

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa Saakey waxaa ka Socda Baaritaano ay  ka sameynayaan Ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Kuwa Nabad Sugida Dowladda Soomaaliya,Waxaa ayna Baarayaan Gaadiidyada Bl-ka ah iyo kuwa Sida Gaarka ah loo leeyahay.

Wadooyinka qaar ayaa waxaa ku arkeysaa in ay yihiin Saakey kuwa Cariira ah oo saf dheer ku jiraGawaarida, Kuwaas sugayaan in ay maraan baaritaanka, iyadoo ay Ciidamada Baaritaanada wada ay dadka ka dajinayaan Gawaarida ka dibna ay Ruux waliba ay si gooni ah u Baarayaan.

Baaritaanadaani Saakey ka socda magaalada Muqdisho ayaa u weyn baaritaan ka socda Isgooyska Xararyaale ee Wadada Wadnaha oo uu sharay ka dhacay Qarax, iyadoo Baaritaanadaani lagu adkeynayo Ammaanka Magalaada Muqdisho oo maalmahaani ay si isdaba joog ah qaraxyo uga dhacayaan.

Dhanka kale waxaa wadooyinka Xaafadaha qaar lagu arkayaa Gawaari faro badan oo iskujira isticmaalaya in maraan, iyadoo ay ku doonayaan in koa wareegtaan Goobaha ay baaritaanada ka socdaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here