Baaritaano Saakay ka soconaya Xaafado kamid ah Kismaayo

Ciidamada maamulka KMG ah, ee magaalada Kismaayo ayaa saakay baaritaano ka wada halkaas, waxaana la sheegay ineey baaadi goobayaan dad lidi ku ah amaanka, iyo xubno katirsan shabaabka oo wali magaalada ka gaysta dilal iyo qaraxyo.

Baaritaanadaan ayaa sida la’aaminsanyahay daba jooga qarax shalay ka dhacay Xaafada Calanleey, oo katirsan magaalada Kismaayo, ee Xaruunta gobolka Jubada Hoose.

Qaraxa shalay ka dhacay Kismaayo, ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray qaar kamid ah Ciidamada maamulka KMG, iyo dadrayid ah, waxaana qaraxaas kadib baaritaano lasameeyay lagu soo qab qabtay dadfarabadan oo lala xiriirinayo ineey lug ku lahaayeen qaraxaas.

Amaanka kismaayo ayaa ah mid ay wali ku hareereesanyihiin qataro farabadan, kuwaasoo isugu jira Ciidamo farabadan oo kala jaad ah islamarkaasna an halmeel kawada amarqaadan oo magaalada Kusugan, iyo haraadigii Al-shabaab oo wali magaalada ku dhuumaaleeysanaya kuwaasoo had iyo jeer qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka gaysta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here